Home arrow Siyaasadda | Africa arrow Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo Kahadley Dagaalka Udhaxeeya Iyaga iyo Eritrea
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:409
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:315
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 12 2008
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo Kahadley Dagaalka Udhaxeeya Iyaga iyo Eritrea
Written by Ali Moallim   
Thursday, 12 June 2008

Jabuuti,(insidesomalia.org)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Jibouti Maxamuud Cali Yuusuf oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u waramayay ayaa wuxuu sheegay in sababta ay Eritrea u soo weerartay Ciidamadooda jooga xadka kala qeybiya labada dal ay tahay iyadoo ay Eritrea ka xun tahay heshiiska ay dhinacyada Soomaalida ku gaaren Dalka Jibouti.

“Weerarka ay Eritrea nagu soo qaaday waxaan u aragnaa in ay ka xun tahay Heshiiska ay dhinacyada Soomaalida ku gaareen Jibouti”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Jibouti Maxamuud Cali Yuusuf oo sheegay in ay farxad u tahay in ay Soomaalida heshiis ku gaaraan dalkooda.

Maxamuud Cali Yuusuf waxaa uu sheegay in Dowladda Eritrea ay tahay mid aan xal iyo in derisnimo lagu wada noolaado dooneyn, wuxuuna caddeeyay in ay meel kasta u tageen sidii gardarrada Eritrea wax looga qaban lahaa.

“ Waxaan gardarrada Eritrea u bandhignay Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta, markii ay Ururradaas isku dayeen inay mushkiladdaas xal u helaan-na Eritrea waa ay diiday in ay maqasho baaqyo nabadeed oo ay Ururadaas u soo jeediyeen”ayuu yiri Wasiir Arrimaha Dibadda Jibouti Maxamuud Cali Yuusuf oo intaas ku sii daray in inkastoo uu dalkooda yahay mid la dagaalamayay saboolnimada uu haatan ku qasban yahay in uu dagaal galo maadaama lagu soo duulay.

Hadalka Wasiirkan ka tirsan Dowladda Jibouti ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo maalintii seddexaad uu dagaal ku dhexmarayo Ciidamada Dowladaha Jibouti iyo Eritrea xadka labadaas dal u dhaxeeya, iyadoo dagaalkaasna uu geystay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >